soomaaliya

Dal waa Soomaaliya.
Diin waa İslaam.
Dhaqan waa soomaalinimo.
Luqad waa Soomaali.
Lacag waa shilin soomaali.
Ciidan waa soomaali.
Dhul waa soomaali.
soomaalinamaan wax ku nahay ee ka taga qurunka qabyaalada iyo ku faanista dal shisheeye, kaca oo difaaca magaca iyo maamuuska soomaaliyeed.
Soomaali baan ahay, waan ku faanayaa inaan ahay soomaali.

Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taagdaranee
Taageera waligiinee
Idinkaysu tookhaayoo
Idinkaysu taamaayee
Aadamuhu tacliin barayoo
Waddankiisa taamyeeloo
Sharcigaa isku kiin tolayoo
Luuqadaa tuwaaxid ahoo
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaan oo
Tiro ari ah oo dhaxalaa
Sideed laydin soo tubayoo
Ninba toban la meel marayoo
Cadowgiin idiin talin oo
Tuldo geel ah oo dhacan baad
Toogasho u badheedhanee
Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
Ninna dhagax u tuurayn
Qaran aan hubkuu tumayo
Tooreyda dhaafayn
Oo aan taar samayn karin
Uur kutaallo weynaa
Hadba waxaan la taahaayoo
Togagga uga qaylshaa
Nin dalkiisii cadow taaboo
U tol waayey baan ahayee
Hadba waxaan laa ooyaayoo
Oo ilmadu iiga qubaneysaa
Iqtiyaar nin loo diidoo
La addoon sadaan ahayee

Advertisements

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s