About

somalization waxa uu u ololeeyaa soo celinta sharaftii iyo soomaalinamadii ay saameysay dagaaladii sokeeye.

13076834_1128772663810020_5454398674242630922_n

Somalization, waxay timid ka dib soo ifbixiisa erey ahaan ee loo isticmaalayay in lagu tusiyo caalamka in soomaaliya looga daysado burbur,wareer, fashil, nidaam la’aan iyo is fahan waa. Waxa ayna macno ahaan tilmaamaysaa; in la soomaaliyoobo ay tahay in fowdo iyo ciriiri nololeed la galo, sidaa awgeed waxaan bilownay ololahan, anagoo ka dhiidhinayna arinkaas iyo in la inaga takooro wadamada aduunka ee burbur iyo dagaalo sokeeye soo maray.

Waxaan doorbidnay, anaga oo diirada saarayna guud ahaan soomaaliya iyo wax kasta oo la xiriira, in aan raadceyno wax walba oo horumar, ilbaxnimo, midnimo, sooyaal lagu faano, dhaqan wanaag, geesinimo iyo dhinacyo badan oo ay caan ku tahay.

Waa hawl qof walba oo soomaali ah looga fadhiyo, waa difaaca magaca aan wadaagno. Waa dhawrista soo jireenkii soomaaliyeed.

İsticmaalka dunida ee qaabka khaldan ah, waa takoor cad iyo liidis tan ugu xun ee soo marta soomaali meel walba oo ay joogto; ileen sumadii lagu yaqaanay iyo waxay aduunka kaga soocnaayeen, oo ah magacaas ayaa weerar lagu yahay, in laga hortagana waxay ku jirtaa gacanta soomaalida meel ay joogaanba.

Somalization, waxay ka dhawrsantahay inay faraha la gasho arimo siyaasadeed, mid qabiileed, mid kooxeed, ama wax la mid ah. Waxaana la aasaasay sanadka 2016/5/1.

Advertisements

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s