Qormo xasaasi ah: xurguf aan dhamaan iyo xasuuq muwaadin

SOMALİZATİON:-Marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan xasuusiyo aqristaha sharafta leh in maqaalkan oo aan sidaa u dheereyn in aan uga hadalno xaalka dalka si guud ahaaneed, ayadoo cidna diirad lagu saarayn eexasho qabiil ama wax la mid ah.

Sidaan dhowaanahanba aan kala socono warbaahinta ama aan goob joog u nahayba, dalka wuxuu galay marxalad loogu diyaar garoobayo doorasho cusub oo dalka ka dhacda sanadkan 2016. Waxaana maamul goboleedyada dalka ay galeen diyaargarow ku jirta is riixriix ku dhisan qabyaalad iyo in aan lakala badsan xubnaha soo galay aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaadna moodaa in ay ka xigaan dagaal inay ku waayaan aqalka sare inta xubin ee ay doonayaan,waxayna u duulayaan qaab dowladeed ayadoon wax tixgelin lahayn dowlada rasmiga ah ee jirta, mararka qaar waxaad aragtaa inayba dowlada horwdeen u tahay xurgufta ka dhex aloosan maamulada, waxaana dhacay shirar badan oo siduu ku dhamaaday laga yaxyaxooda ka dib is jiidjiid iyo in dib loo burburiyo qodobo lagu heshiiyay, sidaas ayuuna waqtiga ku dhamaadaa inta badan. Waxaa jira kulamo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Boosaaso, Baydhabo iyo Kismaayo kuwaas oo ku qotoma arinkan kor ku xusan, waxayna madaxdu u tusayeen caalamku in ay maamulaan wadan xasilan oo hodan ah, halka dhabta jirtana ay tahay xiliyada ay ku jiraan loolanka waxaa dalka ka dhacay musiibooyin inta badan ay sabab u ahaayeen hardankooda, sida colaadaha, abaaraha, dhaqaalo xumada, xadgudubka shisheeye, iwm.

Waxaa dagaalo lagu riiqmay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, sidoo kale wuxuu had aka socdaa Baladwyne, colaadaha waxaa u sii dheer fatahaadaha webiga, xiliga uu socdo dagaaladan waxaa socdo kulamada aan natiijada lahayn ee aan kor ku soo xusnay, wax faragelin xabad joojin lama sameyn, ayadoo dagaaladuna ay sabab u tahay FEDERALİSMka ay maamuladu keeneen. Si la mid ah waxaa dalka ka dhacay abaaro gaar ahaan dhanka Awdal, waana xiliga lays jiidjiidayay, fatahaadaha webigana kama marna, waxaana sii dheer in sunta lagu daadiyay badeena ay saameeynteeda ka soo if baxday xamar, caasimadii dalka ee xiliyadan ay ka socdaan is ceyrsiga hogaamada dalka….

Anigoon doonayn inaan idinku dheereeyo, si guud ahaanna aan u kor maray waxa jira iyo qaabka ay isku haleelayaan, waana ay dheeraatay dhibaato aan dhamaad lahayn, iyo xurguf colaado horseeda, waxaan ku waaninayaa muwaadiniinta soomaaliyeed inay danahooda ay ku jirta qaabka ay u wajahaan xaalka ay ku jiraan qoysaskooda iyo qaraabadooda soomaaliga ah.

W/Q: Abdullahi ali IBRAHIM.

Advertisements