Aqriso qormo xasaasi ah: Marxaladaha dhabta ah ee burburka dalka

Somalization:- İnta badan waxaa la sheegaa in burburka soomaaliya uu bilowday 1991dii, laakiin sida dhabta ah marka aan u fiirino qaabka ay isku bedelaysay dagaalada iyo burburka dalku ku jiray, waxaa ii soo baxday afar marxaladood oo mid walba ay wadato astaamo u gaar ah oo ay kaga soocantahy iyo kuwo ay ka shabahdo intuba.

Burburka Soomaaliya wuxuu bilowday ka dib soo noqoshadii ciidanka xooga dalka iyo jabkii danbee ee ka soo raacay colaadii lala galay İtoobiya 1977kii, dagaalkan oo dhamaaday sanadka xiga ayaa waxaa sida la wada ogsoonyahay dalka uu galay marxalad aan la mahdin, waxaana bilowday weeraradii jabhada sida SNM iyo SSDF, marxaladan waa midii ugu horeysay ee dhali doonta burburka dalka, waxaa si is daba joog ah colaado uga socdeen dhanka waqooyiga, dowladii kacaanka ayaa dagaaladan ku jirtay ilaa laga soo gaaro 1991 dii oo ay sidaa ku burburtay xukuumadii dalka, caasimadana ay u gacan gashay jabhado hubeysan, isla sanadkan ayaa sidaas waxaa ku bilaabanay marxalada labaad oo ah colaadihii ahliga, waxaa loo kala baxay qabiil, waxaana hubeysmay inta badan qabaailada dalka ku noolaa, ilaa sanadka 2006 waxaa awooda lahaa hogaamiyo kooxeed horwadeen u ah beeshiisa, sanadkan waxaa soo if baxaya mid ka duwan kuwii sida cad ugu dhisnaa qabaliga, waxayna noqotay xaalku mid isku bedela mabda’, waxaana aasaasmay maxkamadihii islaamiga oo gacanta ku dhigay caasimada dalka iyo inta badan dalka, waxaana ka dhashay kooxo badan oo ku diriraya mowqifyo ku beegan diin, taas oo ka duweysa kuwii hore, waxay is soo bedesho waxay soo jirsatay ilaa mudo, inkastoo ay kas ii haraan waxyaabo qaar iyo awood intuba, waxaana awoodooda ay go’day sanadka 2011, waa marka ay faarujiyeen caasimda, isla sanadka xiga ayaa noqonaya mid dalka looga baxayo kumeelgaarnimo, waxayna sidaas Soomaaliya ku noqotay dal dowlad leh, laakiin si dhameystiran aan uga soo kaban colaadihi kala caynka ahaa ee soo maray dalka.

Ugu danbeyn dhiraandhirintaan aan sameeyay waa wax ku qoran taariikhda, waxayna iigu muuqatay inaan kala miiro is bedelada dalkeena ka dhacay xiliyada foosha xun ee ay soo martay nus qarnigan danbe, markaan magacyo u helayna waxaan ku qeexay sidan hoos ku cayiman:

  1. Marxaladii jabhadaha(1978-1991).
  2. Marxaladii ahliga.(1991-2006).
  3. Marxaladii mabda’a.(2006-2012).
  4. Marxaladii haraadiga.(2012-….).

Marxaladii haraadiga waxay tahay ayadoo jirta dowlad dalka lagala soo xiriiro,  dalka inta badan xukunta,-ama si toos ah ama maamul goboleedyada hoos taga ha u maamusho-sida Puntland,  Koonfur galbeed, Galmudug, Jubaland, Hiiraan_shabeele, Somalilamd(inkastoo qarannimo madaxbanaan sheegato), iyo khaatumo(maamul aan aqoonsi weli helin, laakiin shacabkeeda ay u halgamayaan inay aasaataan maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya), laakiin aan weli si toos u dhamaan colaadihii qabaliga iyo kuwii mabda’a ku dhisnaa,  waa sida maanta aan goobjoog u nahay.

F.G: waa marxaladaha burburka dalka oo kaliya, yaan lagu qasin mid dowladeed ama wax kale, waana taxliilin aan aniga suubiyay, waad ku mahadsantihiin.

W.Q: Abdullahi ali IBRAHIM.

Advertisements