War degdeg ah: Mudane Geelle oo magacaabay xukuumad cusub

Telefishinka dalka Jabuti   ayaa baahiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuti  Mudane  Ismaaciil Cumar Gelle oo mar afaraad loo doortay xilka Madaxweyninimada dalkaasi  uu  soo dhisay  xukuumad cusub oo madax ka ah  R/wasaarihii hore ee dalkaasi Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed

Warkan oo ay soo warisay Wakaalada Wararka IINA  waxay  intaa ku dartay in  Xukuumadan cusub  ay ka kooban tahay 23 wasiir oo 12 ka mid ah ay yihiin kuwo cusub.

Sida laga warqabo R/wasaaraha Jamhuuriyada Jabuuti  Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed waxa u dalka Jabuuti R/wasaare ka ahaa  laga soo bilaabo bishii Marso  2013-Ilaa iminka R/wasaare looga dhigay Xukuumadan cusub.

Raadraacnews

Advertisements