Real madrid oo shaki gelisay inay ciyaartoy la soo wareegto bisha Janaayo

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa meesha ka saaray inay kooxdiisa Real Madrid wax ciyaartoy cusub ah suuqa kala soo wareegayso bisha January marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoydu dib u furmo.

Kooxda horyaalka yurub Ee Madrid ayaa xagaagii dhawaa la soo wareegtay ciyaartoyda kala ah Toni Kroos, James Rodriguez iyo Keylor Navas halka  ay amaah hal xili ciyaareed ahna kula soo wareegtay Javier Hernandez.

Ancelotti ayaa cadeeyay inuusan qorshaynaynin inuu wax ciyaartoy ah suuqa kala soo wareego bisha January  waxa kale oo uu Ancelotti intaa ku daray in ciyaartoyga waqtiga dheer la sugaayay ee Jese Rodriguez  uu noqon doono wax u eeg saxiix cusub wuxuuna yidhi: “Jese wuxuu noqon doonaa saxiixa jiilaalkan, wuxuuna ciyaari karaa bisha soo socota”.

Ancelotti ayaa sidoo kale ka hadlay Gerard Pique oo kursiga kaydka uu galiyay Luis Enrique iyo wararka sheegaya in lagu ciqaabay inuu moobilkiisa kursiga kaydka ku isticmaalay wuxuuna yidhi Ancelotti: “ Anigu ciyaartoyda kuma ciqaabo inay mobilkooda ku isticmaalaan markay kursiga kaydka fadhiyaan, waan rumaysanahay in anshaxa la dhawro laakiin waxaan ogahay inay jiraan waxyaabo aan ciqaab lagu xalin karin, laakiin waxay u baahantahay wada hadal iyo sharaxad. Ciyaartoydu waa dad maskax badan mana filaayo in Pique sababta kursiga kaydka loo galiyay ay tahay sababtaa”.

– See more at: http://raadraacnews.com/Raadraacnews/2014/11/real-madrid-oo-shaki-gelisay-in-bisha-janaayo-ay-ciyaartoy-la-soo-wareegayso/#sthash.hFx2xmjB.dpuf

Advertisements