Degdeg: İtoobiya oo la wareegtay garoonka Cadaado

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado oo hadda Xarun KMG u ah Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gaaray Maagalada lana wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ayaa watay sida la xaqiijiyay ilaa 8 Gaari,kuwaas oo Fariisimo  ka sameystay Garoonka.

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya tagida Ciidamadaasi Magaalada Cadaado ayaa sheegaya  in ay hor dhac u yihiin Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya oo Beri tagaya Magaalada Cadaado,iyadoo la sheegay in Wafdigaasi ay heshiis ku aadan la dagaalanka Al-shabaab ay ku kala Saxiixanayaan Madaxda Galmudug.

Dadka ku nool Magaalada Cadaado ayey la yaab ku noqotay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee sida Deg Dega ah kula Wareegay Garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Raadraacnews

Advertisements