Daawo: Muqdisho iyo isbedelada taariikhiga ah..

cropped-13001286_773758832724692_2937121103945966355_n2.jpg

Muqdisho, magaalo madaxda jamhuuriyada soomaaliya. Waxa ay ku taalaa koonfurta dalka kuna teedsan tahay badweynta hindiya. Waxa ay leedahay magacyo caan ah oo ay ka mid yihiin Xamar iyo Banaadir. Sanadkan 2016 waxaa magaalada ku nool dad lagu qiyaaso ilaa 3 milyan oo qof.
Muqdisho waxa ay soo martay xiliyo taariikh weyn xambaarsan. Waxayna in badan ahayd xarun dowladeed ama mid gancasi. Marka aan eegno taariikhda, waxaa si weyn noogu muuqan kara kaalinta nuxurka leh ee ay lahayd muqdisho, waxa ayna waqtiyo qaar xarun u ahayd amaba ay hoos imaan jirtay dowlado iyo saldanado ay ka mid ahaayeen:
1.Dowladii ximyar.

2.Dowladii umawiyiinta.

3.Dowladii xalawaan.

4. Dowladii zuzaan.

5.Dowladii shiiraaziyiinta.

6.Dowladii faqrudiin.

7.Dowladii mudafar.

8.saladandii geledi.

9.Dowladii cumaan. İyo

10.Gumaydigii talyaaniga.
1950 meeyaadii waxa ay magaaladu heshay maamul dowladeed hoose, intii loo gogol xaarayay gobanimadii dalka. 1960 kii iyo wixii ka danbeeyay waxa ay noqotay caasimada soomaaliya.
Tan iyo markii ay noqotay caasimadii dalka, waxaa kor u kacay magaca iyo maamuuska magaalada, waxa ayna si xawaaro badan leh u muujisay kartidii ku duugnayd in mudo ah, waxayna marar badan marti gelisay kulamo dowladeed iyo kuwo kaleba, waxana qabtay indhaha caalamka, waxayna hoy u noqotay dalxiisayaal tiro badan kuwaas oo si galgaceyl leh u iman jiray kagana dhoofi jiray magaalada. İleen magaaladu weli waxay lahayd quruxdii iyo soo dhowayntii uu ku tilmaamay badmareenkii weynaa ee İBN BATUUTA mudo todobo qarni ka hor ah.
Mauraaydii dalka, magaalada muqdisho sandihii 1960kii ilaa 1991kii, waa sanadihii ay xarunta u ahayd dowlad soomaaliyeed, waa xilliyadi ay tartanka xoogan kula jirtay magaalooyin maantadan lagu tiriyo kuwa ugu faca weyn ee caalamka, waxaa si weyn loo soo nooleeyay taariikhyadii quruxda badnaa ee ku duugnaa magaalada iyo dalka guud ahaan. Waxaana si nabadgelyo leh u kobcayay dhaqaalaheeda, waxaana dowladba dowlada ka danbeysay ay xoojisay dhismaha magaalada iyo horumarinteeda dhan walba ah. Waxaana lagu soo bandhigi jiray awooda ciidan ee dalka, ayado sanad walba lagu soo bandhigi jiray dhoolatus ciidan oo aad u soo jiidasho badan.
Laakiin nasiib daro, intii u dhaxeysay sanadihii 1991kii ilaa 2012kii, waxaa si is daba joog ah ay ula kulantay burbur iyo colaado aan loogu dhimrin, taas oo sababtay baaba’a dhismooyin badan oo ay caan ku ahayd caasimaada.
Ugu danbeyn, waxaa xusid mudan, xiligan hadda ah waxa ay magaaladu gashay jawi ka duwan kii burburka xambaarsanaa ee dagaaladii sokeeye, kaas oo weli raadadkiisii ka muuqdaan meelo ka tirsan magaalada. Jawigan quruxda badan ee ay gashay magaaladu
waxa ay rajo gelisay shacbiga soomaaliyeed, ayadoo in badan ay ku soo laabteen caasimada
dalka, waxayna bilaabeen is bedelo dhanka nabada iyo soo celinta nolosha magaalada
muqdisho ee caasimada jamhuuriyada federaalka SOOMAALİYA.

Advertisements