Qulqulka siyaasiyiinta somaliland ee xamar

somalilandsomalia-relations

Wararka soo baxayo ayaamahan ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay kusoo qulqulayaan mas’uuliyiin Somaliland ah kuwaasi oo xilal soo doontay.

Waxaa guddoomiyaha Maxkamadda sare loo magacaabay Garyaqaankii guud ee Somaliland waxaana taasi ay timid wada hadallo hoose oo jiray.

Waxaa hadda la filayaa in xilal kale loo magacaabo xubno kale oo Somaliland ah sidoo kale mas’uuliyiin ay noqdaan wasiiro caan ah oo ka tirsan maamulkaasi.

Muqdisho waxaa maalamahan soo aadan sidoo kale imaan doono rag culus oo magacyadooda la qariyey balse waa kuwo kasoo dhex muuqan doona dowladda Federaalka ah.

Advertisements